DHAGEYSO:- Baarlamaanka Turkiga oo waqtiga u kordhiyay Ciidamada kaga sugan Soomaaliya

0

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa waqti kordhin u sameeyay ciidamada badda dalka Turkiga ee kusugan biyaha Soomaaliya iyo gacanka cadan si ay ula dagaalamayaan kooxaha burcad badeeda.

Baarlamaanka Dalkaasi ayaa ansixiyay muddo hal sano oo dheeri ah oo ciidamada Badda kusii sugnaanayaan xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan, si ay u difaacaan weerarada burcad badeeda u geystaan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa gargaarka.

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa sagaalkii bishaan February la horgeeyay soo jeedintaasi, waxayna ansixiyeen gelinkii dambe ee shalay kadib kulan ay ku yeesheen dalkaasi.

Turkiga ayaa ciidamada kaga sugan xeebaha Soomaaliya wuxuu usoo diray dalka Soomaaliya sanadkii 2009 xiligaasi oo weeraro badan ay geysanayeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Dowlada Turkiga ayaa sidoo kale ayaa dhaqaalo ku taageero kooxda  xiriirka burcad badeeda ee ka socda xeebaha Soomaaliya, waxaana la doonayaa in lagula dagaalamo kooxaha burcad badeeda.

Muddo laga joogo 7 sano ayaa la sheegay iney sii yaraanayeen weerarada kooxaha burcad badeeda ka geysanayeen xeebaha dalka Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan, waxaana maraakiibta dagaal ee ku sugan xeebaha Soomaaliya lagu eedeeyaa iney kaluumeysi sharci daro ah sameeyaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-