DHAGEYSO:- Baarlamaanka Soomaaliya oo 24-Saacadood gudahood u qabtay Wasiirka Arrimaha Dibadda inuu ku hor yimaada Baarlamaanka

0

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar inuu Baarlamaanka ku hor yimaado Mudo ku siman 24 Saac .

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Shir Guddoominayay Kulanm Shalay Baarlamaanku ay yeesheen ayaa Faray Wasiirb Hadliye inuu Golaha Shacabka hor yimaado 24 Saac Gudahood islamarkaana uu ilaaliyo Balanka iyo yeerida Xildhibaanada Soomaaliya.

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliy ayaa sheegay in Xildhibaanada ay sheegen in loo diiday Qeybta VIP Garoonka Diyaaradaha Muqdisho islamarkaana laga reebo Baasaboorada.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maalmahaan waday Su’aalo weydiin qaar ka mid ah Wasiiradda Xukumadda Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-