DHAGEYSO:- Abwaaniinta Soomaaliyeed oo fariin adag u diray Dowlada, kana dalbaday iney wax ka qabato hal arrin

0

Waxaa weli abaaro daran ka jiraan deegaanada Maamulada Somaliland, Puntalnd, Galmudug  iyo qeybo ka mid ah Koofurta Soomaaliya islamarkaana meelaha qaar ay Xoolahu bilaabeen in ay Baqtiyaan ayaa abwaaniinta Soomaaliyeed oo maanta kulan ku yeeshay muqdisho waxay codsadeen  in la gargaaro Dadkaasi.

Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub oo ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa wax haysta looga baahan yahay in ay Gurmad Deg deg ah u fidiyaan Dadka ay Abaaruhu saameeyen.

Waxa uu Dowladda Soomaaliya iyo Maamulada ka jira Dalka u soo jeediyay in ay Gargaar u fidiyaan Dadka ay Abaaruhu ku haystaan Qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-