Daawo Sawirada Wasiir Cusub oo lagu dhaariyay Madaxtooyada maamulka Puntland

0

Waxaa Maanta oo Arbaco ah taariikhdana ay ku beegan tahay 17-02-2016 Madaxtooyada Maamulka puntland lagu dhaariyay Wasiiru dowlaha Wasaarada caafimaadka maamulka puntland Cumar Aadan Guuleed oo dhawaan xilkaasi loo magacaabay.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka puntland C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar Cameey oo dhaarinta la hadlay warbaahinta ayaa la dardaaarmay masuulka cusub ee maanta la dhaariyay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay waajib tahay in uu shaqadiisa si sax ah u guto isla markaana uu si daacad ah ula shaqeeyo Madaxda ka sareysa.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka puntland C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar Cameey ayaa shacabka reer puntland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan masuulkan cusub.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

chelsea-psg-composition-probable-700x357 IMG_0977-1024x683