Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo duleedka Diinsoor ku qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika Ee AMISOM ayaa Howlgalo ay ka sameeyeen Duleedka Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay waxaa ay ku soo qab Labo Sargaal oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Ibraahin Maxamed ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay gacanta ku soo dhigeen Labo Sargaal oo ka tirsan Al-shabaab islamarkaana Shabaab u qaabilsan Aruurinta Xoolaha.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in ay Sharciga hor keeni doonaan Ragaasi ka tirsan Shabaab ee Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay gacanta ku dhigeen.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalada ay sameeyaan waxaa ay ku soo qab qabtaan badanaa Dad lala Xariirinayo Al-shabaab.