Amaanka Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo wax laga badalay

0

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, iyada laga feejigan yahay in aaladaha qarxa lala raaco diyaaradaha kala duwan ee duulimaadyada ku taga magaaladaasi.

Maamulka Garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa sheegay iney faajignaan buuxa kaga jiraan in diyaaradaha lala raaco aaladaha qarxa, maadaama diyaarada Daallo qarax loo adeegsaday Labtop laga geystay muddo lago joogo 15 maalin.

Qaar kamid ah dadka  rakaabka ah ee ka duula garoonka magaalada Hargeysa  oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in baaritaano dheer lagu sameeyo shaqsiyaadka ka duulayo garoonka magaalada Haregysa.

Dadka ayaa waxaa lagu amrayaa iney maraan qalabka lagu ogaanayo waxyaabaha qofka uu wato, waxaana lagu amraa iney siibaan suunka, Kabaha iyo wax walbaa oo ka dhawaajinaya qalabka garoomada yaalo oo dadka ay dhex maraan.

Sidaasi si lamid ah ayaa waxaa la adkeeyay amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana dadka lagu qasbaa iney maraan goobta baaritaanada.