DHAGEYSO:- Diyaarada Turkish Airline oo maanta soo caga dhigatay garoonka adan cade ka dib qaraxii diyaarada Daalo

0

Diyaaradda Duulimaadyada Turkish Airline ayaa muddo ka badan todobaad kadib maanta kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International ee magaalada Muqdisho, waxii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Diyaarada Daallo Airline 2-dii bishan Febraayo.

Diyaaradda oo waday Cargo “XAMUUL”, ayaa maanta kasoo degtay garoonka Aadan Cadde sida ay inoo xaqiijiyeen shaqaalaha Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradda Turkish Airline ayaa horey u sheegtay in duulimaadyadii magaalada Muqdisho ay u joojisay sababo la xiriira hawada dalka Soomaaliya oo aan wanaagsaneyn, sida uu sheegay afhayeen u hadlay shirkada oo warbaahinta la hadlay.

Diyaaradda Turkish ayaa ah diyaarada kaliya ee heer caalami duulimaad ugu timaada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyada isaga kala gooshta caalamka intiisa kale.

Waxii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Diyaaradda Daallo, waxaa aad loo adkeeyay amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Halkaan ka dhageyso