DHAGEYSO WAR DEG DEG:- Madaxii Sakawaadka Al-Shabaab oo la dilay

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee Gobolkaasi ku sugan ay dileen Labo Sargaal oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab islamarkaana mid kamida uu yahay Madaxii Sakawaadka u qaabilsanaa Xarakada Al-shabaab Ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur Cabdi Xasan Biya-quute ayaa sheegay in Labadaas lagu dilay Dagaal ka dhacay Degaanka Ceel-qooxle oo hoostaga Degmada Ceelbuur.

SargaalkaAl-shabaab u qaabilsanaa Aruurinta Sakawaadka ayaa Magaciisa lagu sheegay Maxamed Ina Daab-yaanbo,kaas oo si weyn looga yaqaanno Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Halkaan ka dhageyso