XOG Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Gudoomiye Jawaari Oo Madaxa Islagalay Iyo Mooshin Cusub Oo Soo Jug Leh.

0

Wararka naga soo gaaraya Ilo wareedyadeena sida aadka ah ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa sheegaya in uu iminka bilaabay qorshe uu ku bur burinayo Mooshinka Cusub ee laga gudbiyay.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Ergo isugu jirta Xildhibaano saaxiib u ah oo ka tirsan Baarlamaanka iyo Xubno kale oo isugu jira Wasiiro iyo la taliyayaal uu u diray Baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Ergada uu xalinta Mooshinka cusub u xil saaray ayaa xiriir dhow la leh Xildhibaanada Mooshinka wada, waxa uuna qorshuhu yahay in marka hore awood loo adeegsado kadibna lagu kala eryo dhaqaale sida ay caadaduba aheyd.

Xasan Sheekh iyo xulufadiisa ayaa waxa uu aaminsan yihiin xiligan in aan la aamini karin Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari maadaamada lagu jiro xili kala guur ah oo xiliga u haray Madaxweynaha uu yahay mid gabogabo ah.

Dhinaca kale  Ergada uu diray Xassan Sheekh, ayaa waxaa aad iyo aad uga carrooday Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo aaminsan isagu lala baalmaray Ergadaasi soo faragalinaysa howlihiisi shaqo.
Isku soo wada duuboo Jawaari ayaa ka dhoor sugaayay in arrimaha Mooshinkaasi uu Xassan Sheekh isaga kala tashto ugana dambeeyo xalintooda hayeeshee ma aysan dhicin waxa ayna taasi abuurtay carro degdeg ah oo uu qaaday Jawaari.

jawaari iyo xasan

 

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media