WAR DEG DEG:- Ciidamo kawada tirsan Dowladda oo Baardheere ku dagaalamay

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federalka Somaliya, ayaa halkaasi wuxuu ku dhexmaray dagaal Khasaare geystay.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dhacay Suuqa Balka Degmada Baardheere, waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray ciidamadii wada dagaalamay iyo dadkii shacabka ahaa ee goobta ka agdhawaa.

Buraale Ibraahin Xaaji oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Degmada Baardheere, ayaa wuxuu tilmaamay ciidamada dagaalka dhexmaray inuu yimid kadib markii Isfahan waa uu soo kala dhex galay ciidamada Dowladda.

Waxa uu sheegay hal Askari inuu ku geeriyooday dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen labo ruux oo shacab ah oo ka agdhawaa goobta.

Ciidankii halkaasi ku dagaalamay ayaa la sheegay in xabsiga la dhigay, islamarkaana tallaabo laga qaadayo.

Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ayaa dhowr ku dagaalamay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana inta badan ciidamada ay ku murmaan qarashaad canshuur ahaan loo soo qaado.