TOP NEWS:- Madaxweyne ku xigeenkii Dalka Ciraaq oo maanta Muqdisho yimid

0

Madaxweyne kuxigeenkii hore Ciraaq Ciyaad Calawi ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo garoonka diyaaradaha uu ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

Madaxweyne kuxigeenkii Ciraaq oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaarihii Ciraaq ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde keentay diyaarad gaar aheyd, kaasoo ku xardhanaa Calanka Ciraaq.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Ciraaq iyo Soomaaliya ay wadaageen la dagaalanka Argagixisada, isagoo soo dhoweeyay booqashada uu maanta ku yimid magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenkii Ciraaq ayaa sheegay in markii u horeysay ay tahay oo uu booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho.

Madaxweyne kuxigeenkii Ciraaq ayaa xilligan khudbad ka jeedinaya Xarunta Baarlamaanka oo ay ku shirsan yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne kuxigeenkii Ciraaq oo madax ka ah Hey’ad ay howlo mashaariic ka hirgelin doonaan magaalada Muqdisho.

La soco wixii warar ee ku soo kordha booqashada Madaxweyne kuxigeenka Ciraaq uu ku yimid Muqdisho