MAREEXAAN,Ugaas Axmed Bare Cali Taakooy Iyo Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) Keebaa Been Idiin Sheegaya Amaba Keebaa Dano Gaar Ah Wata?

0

Afeef: Qofkii Damiir lagu Danqado ama garasho fog leh waa garanayaa waxa aan ka hadlayo, Qofkii ay Qabyaalad Dilootay, Qofkii uu Hunguri Dilooday iyo Qofkii ay Doqonimo Dilootayna warkooda kuma jiro.

Afar ilaa shan Maalmood ka hor ayay ahayd markii aanu idaacadaha ka dhageysanay in uu shir ka dhacay magaalada Caabudwaaq kaasoo ay kasoo qaybgaleen dhamaan odoyaasha dhaqanka oo uu horkacayay Wakiilka Ugaaska Beesha SADE Bari Ugaas Axmed Bare Cali Taakooy shirkaas oo looga hadlayay ayaaha Beesha SADE ee gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Shirkan ka dhacay magaalada Caabudwaaq ee la sheegay in looga hadlayay ayaaha beesha ayaa waxaa kasoo baxay qodobo, qodobadaas oo ay kamid ahayaaneen in Beesha SADE ayna sameysanayaan maamul iyaga u gaar ah oo la magac baxay Galguduud Sare.

Sidoo kale Odayaashan dhaqanka ee uu horkacayay Wakiilka Ugaaska Beesha Sade Ugaas Taakooy ayaa waxaa kasoo baxay inaysan marnaba Beesha SADE ku qancayn amaba qaadanayn waxa loogu yeero 4.5 ee ah awood qaybsiga Soomaalida hadda joogta.

Dhamaan dadkii kasoo qaybgalay kullankaas ee uu horkacayay Wakiilka Ugaaska Beesha Sade Bari Ugaas Taakooy waxay ugu baaqeen qurbajoogta siyaasiyiinta, aqoonyahanada iyo dhamaan qaybaha kale ee Beesha SADE meel kasta oo ay joogaan inay dib ugu soo laabtaan magaalada Caabudwaaq si ay u sameystaan Maamulka Galguduud Sare.
Hoos Ka Dhageyso Odayaasha Iyo Wakiilka Ugaaska

Dhanka kale Maxamed Cabdi Xaashi (Carabeey) oo sida la sheego ah Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa barnaamijka Dareenka Shacabka ee ka baxa TV-ga HCTV waxa uu siiyay wareysi gaar ah isagoo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Maxamed Xaashi Cabdi ayaa waxa uu wareysigaan ku sheegay inay safaro shaqo ku guda jireen iyo inay barwaaqo, guul iyo horumar usoo wadaan deegaanada maamulka Galmudug iyadoo la wada ogsoon yahay xaqiiqda nololeed ee dhabta ah ee ay maanta ku sugan yihiin Mas’uuliyiinta iyo maamulka Galmudug,shacabka Galmudug warkoodaba daa’e.

Maxamed Xaashi Cabdi  iyo ragga kale ee kasoo jeeda waqooyiga Galguduud ee ka tirsan maamulka Galmudug ayaa si dhab ah loo wada ogsoon yahay saamiga awoodeed ee ay ku dhex leeyihiin Maamulka Galmudug, waloow inta badan  indho sarcaad laga baahiyo  TV-yada lagu seexinayo dadka kasoo jeeda waqooyiga gobolka Galguduud intooda badana ay  run moodaan indho sarcaadkaas taas oo ah wax  ka fog  xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta gudaha Maamulka Galmudug ama magaalada Cadaado.

Dhinaca kale akhristoow Ogoow marnaba yeyesan kaa hoos bixin in maamulka Galmudug uu taageersan yahay in la qaato nidaamka awood qaybsiga ah ee 4.5, halka odayaasha dhaqanka iyo wakiilka Ugaaska Beesha Sade Bari Ugaas Taakooy ay diideen in la qaato nidaamka awood qaybsiga 4.5 aadna moodo inay ku fikir yihiin Maamulka Puntland.

Hoos Ka Daawo Wareysiga

Haddaba maxaa nala gudboon.

Dhamaan Bulshoweynta Beesha SADE meel kasta oo aad joogtaan waxaa mudan inaad isweeydiisaan Wakiilka Ugaska Beesha Sade Bari Ugaas Axmed Bare Cali Taakooy Iyo Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) Keebaa Been Idiin Sheegaya Amaba Keebaa labadooda Dano Gaar Ah Wata? Keebaa u Adeegaya dano reero kale leeyihiin, Keebaa xil u haya beesha SADE oo mudan in hadalkiisa la raaco? Keebaa u adeegaya danta guud ee dadka ku nool waqooyiga gobolka Galguduud? Jawaabta Su’aalahaas oo dhan waa muhiim inaad isweeydiisaan, waxayna jawaabahaas u yaalaan dhamaan shaqsi walba oo ka mid ah Bulshoweynta Beesha SADE, markii jawaabta la helo ayaana xalka la raadin karaa.

Dhinaca kale waxaa sidoo kale isweeydiin Maxaa qaldan markaad eegto arrimahaan? maxaase hadalka odayaasha dhaqanka iyo wakiilka Ugaaska Ugaas Taakooy kusoo beegay xiligaan? meeyase dadkii kale ee daganaa waqooyiga Galguduud ee sheegan jiray LAANDHEERAHA ee kala hayay cirka iyo dhulka? mise annaa mooday maanta oo rooti ayay noqdeen oo maraqa ayaa leysaga daartaa? Jawaabta su’aalahaasna waxaan u daynayaa dhamaan Bulshoweynta Beesha SADE.

Waxaa xaqiiqo ah oo muuqata aana la qarin karin in wax weyn ay qaldan yihiin, waxaa kaloo xaqiiqo ah oo muuqata in kaar leys marsanayo, waxaa kaloo xaqiiqo islamarkaanna muuqata inaan lagu socon wadadi loogu adeegayay danaha dadka iyo deegaanada waqooyiga Galguduud, balse aniga oo waxbadan ka og waxa socda iyo xaqiiqda dhabta ah ee jirta iyo waxa qaldan iminka, runtii shaqsiyan ma doonayo inaan noqdo shaqsiga ugu horeeya ee ka hadla ama sheega ama seeriga (Firimbiga) qaata, balse hadii aan la joojin hagardaama loo maleegayo dadka iyo deegaanada waqooyiga Galguduud  huri meyso inaan sideydi seeriga ama firimiga qaato, sidoo kale qof walbaa oo kasoo jeeda beesha SADE mas’uuliyad ka saaran tahay inuu iskiis isu xilqaamo oo ogaado amaba waqti badan galiyo siduu uu u heli lahaa xogta dhabta ah iyo waxa qaldan ee socda.

Gabgabadi, waxaan ugu baaqayaa dhamaan shaqsiyaadka kusoo caan baxay inay ku ciyaaraan masiirka iyo magaca ay leeyihiin bulsho weynta Beesha SADE inay ka waantoobaan amaba joojiyaan dhabarjabinta iyo burburinta sida joogtada ah  ay ugu hayaan danaha guud ee leh siyaasada iyo horumarka ee beesha SADE iyagoo  doonaya inay wax ku noqodaan amaba u helaan sandaeerto yaroo dhuun qooys ah, waxaan sidoo kale ugu baaqayaa Bulshoweynta kale ee beesha SADE ee ku nool magaalooyika waqooyiga Galguduud inaysan daawan islamarkaan ka aamusnaan jahwareerinta iyo manjaxaabinta dhan walba leh ee lagu hayo magacooda, sharaftooda, mustaqbalka caruurtooda, danahooda siyaasad iyo horumarneed, dadkooda iyo deegaanadooda.

Hadii aad inaad taajir tahay, tuhunto uurkaaga
Toodowga xoolaha ninbaa, tulud ku sii dheere
Walee inna raggow talo aduun, taada uun ma aha

SADE Dad Gunti Reero Kale La Galiyo Ka Weyn!

Wabilaahi Towfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg!