LIVE:- Baarlamaanka oo maanta aqrinta 2aad marinaya Hindise sharciyeedka Batroolka

0

Maanta oo Arbaco ah,waxaa jira kulanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,waxaana looga hadlayaa dhowr Ajendo oo ay ka mid tahay Warbixin ay so diyaariyeen Guddiga arrimaha dibadda iyo Aqrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Batroolka.

Kulanka ayaa waxaa la filayaa in sidoo kale Guddiga xeer hoosaadka Baarlamaanka Federaalka ay wax ka beddel ku sameynayaan xeer hoosaadyada qaar ee Baarlamaanka oo ay cabasho ka so gudbiyaan Xildhibaannada qaar.

Arrintanw axaa ay ku saabsan tahay wax ka beddel lagu sameynayo Xeer hoosaadka Baarlamaanka,waxaan sdia uu Xildhibaan Max’ed Cumar Max’uud oo ah habdhowraha Baarlamaanka u sheegay Mustaqbal laga talo geliyay Xildhibaannada Baarlamaanka.