DHAGEYSO:- Xildhibaan Ka Tirsan Baar-lamaanka Soomaaliya oo xukuumadda Ku eedeeyay inay qeyb ku leedahay masuuliyada aan wali la meelmarin

0

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir, oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya iney ag-yaalaan sharciyo badan oo u baahnaa in mar hore la ansixiyo.

Sharciyadaasi ayuu xildhibaanka sheegay iney muhiim u ahaayeen dalka in la horkeeno xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya si u ansixiyaan ama wax ka badal ugu sameeyaan baarlamaanka.

Xildhibaan Goodir, wuxuu sheegay in xukuumada Soomaaliya mar hore u gudbiyeen sharciga axsaabta dalka, markii xildhibaanada gudi ay u saareen ay soo sameeyaan, taasi oo uu sheegay iney dib u dhac ku keeneyso horumarka dalka.

Sidoo kale wuxuu iska fogeeyay in xildhibaanada baarlamaanka dhankooda ka socon la’yihiin ansixinta sharciyo badan oo dalka muhiim u ah, wuxuuse sheegay in laga caga jiidayo ansixinta sharcigi muhiim ah ka hor doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka.

Axadii aan kasoo gudubnay ayaa madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlayay baarlamaanka wuxuu si adag kaga hadlay da-dajinta ansixinta sharciyo baarlamaanka horyaala, laakiin hadalka xildhibaan Goodir ayaa u muuqda mid uu ku sheegayo in dhanka xukuumadana culeesyo badan ka jiraan.

Halkaan ka dhageyso Codka xildhibaanka