DHAGEYSO:- Maxaa loo gowracay Sheikh C/laahi iyo Sababta oo la ogaaday

0

Faah faahino horudhac ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan sababihii loo gowracay sheikh caan ah oo xalay lagu gowracay Degaanka Jameeco Mubaarag o qayaastii 25Km ujirta Degmada Buulo burde Ee Gobolka Hiiraan.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in sheikh uu ka mid ahaa dad tira yar oo si dhuumaaleysi ah degaankaasi jameeco mubaarag ku soo gelin jiray raashinka ama cuntooyinka Dadka ay quutaan isagoona mootooyinka 3-lug leh ku soo gelin jiray.

Deegaankaasi waxaa ay ka mid aheed goobaha Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay saareen Cuna qabateenta iyadoona loo maleynayo in sheikkh sababtaas ay u gowraceen kooxda Shabaab.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa waxaa uu inoo sheegay in xaalad cabsi ah ay kataagan tahay degaankaasi isagoo intaa ku daraya in sidoo kale la watay ilaa 3 qof oo kale oo ka mid ahaa qoyska sheikh la gowracay.

Halkaan ka dhageyso Codka