DHAGEYSO:- Hay’adda nabad-sugida Soomaaliya oo soo bandhigtay koox doonaysay inay weerarto xarunta dambi barista ee CID

0

Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku soo bandhgtay Koox Qorsheyneysay Weerar lagu qaado   Xarunta Dambi baarsita ee Ciidamada Booliska ee CID.

Kooxda ayaa ka Koobneyd 7 Ruux,kuwaas oo mid kamid ah uu Qorsheynayay inuu isku Qarxiyo Xarunta asagoo adeegsanaya Gaari Rinood ah iyo sidoo kale 5 ruux oo doonayay in ay Weerar toos ah xarunta ku qaadaan markii uu Qaraxu dhaco ka dib,kuwaas oo iyaguna adeegsanaya Gaari Caasi ah

Ninka kale oo magaciisa lagu sheegay Sayid Cali ayaa Hay’addu ay sheegtay inuu dajiyay Qorshe la doonayay in lagu Weeraro Xarunta Dambi baarista Ee Magaalada Muqdisho islamarkaana lagu qabtay Nashqada lagu Weerarayo Xarunta.

Kooxdaan ka tirsan Shabaab ee gacanta ugu jira Hay’adda NISA ayaa la sheegay in Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ay ka hortageen inta aysan Fulin Weerarkaan.

Halkaan ka dhageyso warbixin