DHAGEYSO:- Australia oo 5 Milyan oo doolar ku bixinaysa arimaha Bini’aadinimada dalka Somaliya

0

Dowlada Australia ayaa balanqaad dhaqaalo u sameysay dowlada Soomaaliya iyo dowlada Ethiopia waxii ka dambeeyay markii abaaro daran ay ka dhaceen deegaano iyo gobolo ku yaala labada dale ee Ethiopia iyo Soomaaliya.

Dowlada Australia ayaa shaacisay in ku dhawaad 15 milyan oo doolar ugu deeqday labada dal, iyada oo kaga jawaabeyso qeylo dhaanta dhanka abaaraha ee maalmihii ugu dambeeyay ka jiray labada dal.

Shan milyan oo kamid ah dhaqaalahaasi ayaa si gaar ah waxaa loogu talo galay in wax looga qabto xaaladaha abaaraha ee ka jira gobolo ku yaala dalka Soomaaliya.

10 Milyan oo lacagtaasi kamid ahaa ayaa dowlada Australia waxay u qorsheysay in wax loga qabto abaaraha saameeyay kumanaanka ruux ee kusugan dalka Ethiopia, sida lagu sheegay warbixin dowlada kasoo baxday.

Maalgelinta dheeraadka ah ee la siinayo Ethiopia ayaa lagu bixin doonaa adeegyada cuntada, gargaarka, nafaqada, caafimaadka iyo wax ka qabashada nadaafadda.

Gobolo ku yaala deegaanada Somaliland iyo Puntland ayaa la sheegay iney ka jirto abaar daran oo saameysay dadka reer guuraaga ah.

Halkaan ka dhageyso