Daawo: Soomaalida Edmonton,Canada Oo Cambaareeyay Xasuuqa Ciidamada Kenya Ka Geysteen Dagmada (CEEL-CADE).

0

Jaaliyada Soomaliyeed ee magaalada Edmonton, Alberta, Canada ayaa 31 kii Bisha Jannaayo, 2016ka,kulan balaaran isugu yimid,isla magaalada Edmonton.

Ujeedada Kulanka ayaa diiradda lugu saarayey u tacsiyeyn iyo xusid loo samaynayey eheladii, qaraabadii iyo UmaddaSoomaaliyeed, guudahaanba, loogana tacsiyeynayey dadkii ku dhintay,kuwii waxyeellada kala duwan kasoo gaartay iyo kuwii ku barakacay weerarkii xagga Cirka,ee Ciidammada Cirka ee Waddanka Kenya ay kagaysteen Degmada Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo iyo Deegaannada ku Xeeran; weerarkaas oo aad u waxyeeleeyay dad iyo duunyaba.

Kulanka waxaa kasoo qayb-galay dhamaan qaybaha kaladuwan ee bulshada ee kunool Edmonton,sida culumaau’diinka,hogaamiyayaasha ururada Soomaliyeedee gobolka, Alberta, siyaasiin,ardaydajaamacadaha, ururada haweenka iyo dhalinyarada.

Furitaankii kulanka Kadib, waxaa la gudagalay ujeedadii kulanka oo ahayd in jaaliyadda Soomaliyeed ee Edmonton ay si wadajirah tacsi ugu diraan; eheladii dadkii ku waxyeeloobay dhacdada kor kuxusan, islamarkaana,Jaaliyaddu,waxay Canbaarayn dusha uga tureen ciidamada dalka Kenya ee xasuuqa iyo barakaca gaystay, ayadoo ciidammada Kenya aysan intabadan kalasoocin shacabka rayidka ah iyo kooxaha ay la dagaallamayaan.

 

 

Hoos Ka Daawo