TOP NEWS:- Sarkaal hore oo ka tirsanaa Dowladdii Siyaad Barre oo Maxkamad ku taalla Mareykanka dambi ku weysay

0

Korneyl Yuusuf Cabdi Cali oo ka mid ahaa Saraakiishii Dowladda Jeneraal Max’ed Siyaad Barre ayaa dacwad uga socotay Maxkamad ku taalla Gobolka Virgina ee Dalka Mareykanka dambi ku weysay kadib markii lagu eedeeyay in intii uu ka tirsanaa Taliska Milatariga uu Dad Rayid ah jir dil u geystay.

Korneyl Yuusuf waxaa Dacwad ka gudbiyay Farxaan Warfaa oo Muwaaddin Soomaaliyeed ah ,kaas oo sheegay in Yuusuf uu Xabsiga ku jirdilay isaga iyo dad kale markaas oo uu Farxaan 17 Jir ahaa.

Yuusuf ayaa beeniyay dhamaan Eedaha loo soo jeediyay,waxaana uiu meesha ka saaray in uu galay dambi lagu jirdilay Maxaabiis Xabsi ku jirtay.

Korneyl Yusuf waxaa uu Canada Tagay 1980kii Markii uu billowday Dagaalkii u dhaxeeyay Xukuumaddii Kacaanka iyo Jabhaddii SNM ee Waqooyiga Soomaaliya.

Waxaana Dacwad ka ka gudbiyay Farxaan Warfaa,waxaan ay taasi keentay in Canada ay dib ugu celiso Mareykanka oo uu markii hore ka galay.

1