TOP NEWS:- C/weli Sheekh Axmed oo si kulul ugu soo horjeestay qodobadii ka soo baxay Shirkii Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa sheegay inaanan loo dhameyn go’aanadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ku soo idlaaday.

C/wali waxa uu sheegay qaybo badan oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliyed iyo Baarlamaanka dalka inay ka maqnaayeen halkii go’aanka lagu gaaray.

Waxa uu sheegay in Sharciga lagu tuntay oo la jebiyay, taasina ay tahay arin cad oo aanan waxba la iska weydiineyn.

“Aragti ayaanu qaadanay kadib marki aan arrintaan darasnay dastuuriyan iyo siyaasiyan waxa uu keeni karo, ayaan soo saarnay aragtideena,” Waa in loo dhanyahay oo waad ogtahay inaan loo dhameyn, waxaa ka maqan Puntland, baarlamaanka qeyb ka mid ah, wuxuu ahaa in kooban arrin ay ku heshiiyeen, muhiimada waxa weeyaan umada Soomaaliyeed heshiis baa u dhaxeeya oo ah dastuurka kumeel gaarka ah, waana sharciga ugu sarreeya dalka, waana la jebiyey hada dastuurkaas” ayuu yiri Md. Cabdiwali.

Beesha caalamka ayaa durba horay ka taageertay go’aankii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay.