DHAGEYSO WAREYSI:- Xildhibaan Xoosh Jabriil oo Madaxweyne Gaas ku eedeeyay inuu saxiixay heshiis aan la shaacin Halka madaxweyne Xasan uu sheegay inuu wado qorshe dantiisa…

0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ah baarlamaanka faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeyay madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Gaas inuu si an la shaacin uu ku saxiixay heshiiska laga gaaray doorashada dalka ka dhacaysa,sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta.

Xoosh waxuu ku tilmaamay madaxweyne Cabdiweli inuu qiyaamay dadka Puntland,maaddaama uu shir saaxaafadeed ku sheegay inuu diiday go’aanka laga gaaray shirkii wadatashiga Soomaliya ee maalmo ka hor lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho,waxuuna si guud uga soo horjestay go’aanka doorashada laga gaaray oo u ku sheegay mid an sax ahayn.

Doorashada dalka ka dhacaysa,xildhibaanka waxuu ku tilmaamay mid boob ah oo madaxweynaha hadda talada haya ee Soomaaliya,Xasan Sheekh uu ku doonayo inuu ku soo noqdo mar kale.

Halkaan ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran