DHAGEYSO WAREYSI:- Somaliland oo si kulul ugu hadashay go’aankii Muqdisho lagu gaaray

0

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in go’aannadii ka soo baxay shirkii madasha ee lagu go’aamiyay qaabka doorashada Soomaaliya ee 2016 aanay khuseyn Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay in Somaliland ay mar hore ka go’day Soomaaliya, islamarkaana cid ka wakiil ah Somaliland aanay uga qeybgalin shirkaasi.

Waxa uu sheegay in wax lagu qoslo ay tahay in madaxda Soomaalida ay weli sheeganayaan “Dal ka go’ay 25 sano ka hor” oo ah Somaliland.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu aad ugu xun yahay in mar walbo Magaca Somaliland lagu qaraabto oo Caalamka loo sheego in Somaliland wax la siiyo.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Wara cadde:-