DHAGEYSO:- Maxkamad ku taala Mareykanka oo xukun xabsi ah ku riday Muwaadin Soomaaliyeed

0

Maxkamad ku yaala dalka Mareykanka ayaa xukun xabsi sagaal sano ah ku riday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inuu taageeray ururka Alshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Maxkamada dalka Mareykanka ayaa Mahdi Xaashi oo ku dhashay dalka Soomaaliya sheegtay inuu ka tagay dalka Ingiriiska isaga oo kusoo laabtay dalka Soomaaliya uuna ku biiray ururka Alshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Mahdi Xaashi oo 26 sano jir ah ayaa lagu xukumay magaalada New York ee dalka Mareykanka kadib markii uu bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay uu qirtay inuu Alshabaab taageero u fidiyay.

Maxkamada ayaa sidoo kale xukuntay labo muwaadin oo Sweddin u dhalatay laakiin asal ahaan kasoo jeeda dalka SOomaaliya sanadkii lasoo dhaafay kadib markii ay Alshabaab taageereen dhankooda.

Xaashi ayaa lagu xiray sanadkii 2012 bariga africa waxaana loo gudbiyay dalka Mareykanka halkaasi oo maxkamad lagu soo taagay.

Mareykanka ayaa wali waxaa u xiran dhalinyaro kale oo Soomaali ah kuwaasi oo lagu eedeeyay iney Alshabaab taageero u fidiyeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-