DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Baardheere oo la dhaawacay

0

Wararka laga helayo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Koox Hubeeysan ay Degmadaasi ku dhaawaceen Guddoomiyaha Maxkamadda Dambiyada Baardheere Ibraahim Nuur Shacbaan.

Weerarka ayaa ka dhacay sida Wararku ay sheegayaan Bartamaha Magaalada Baardheere,iyadoo  Kooxdii Weerarka qaaday ay goobta ka baxsadeen.

Sidoo kale waxaa Degmada Baaritaano ka wada Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ee AMISOM,kuwaas oo ku raadjooga Kooxdii  Guddoomiyaha Dhaawacday.

Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo wali kama hadlin Dhaawaca Guddoomiyaha,waxaana la soo sheegayaa in Xaaladda Guddoomiye Maxkamadda Degmada Baardheere.

Halkaan ka dhageyso