DHAGEYSO:- Axmed Madoobe oo si Cad u difaacay Dowlada Kenya, sheegayna in aysan ka bixi doonin Soomaaliya

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ka hadlay Ciidanka Kenya iyo kuwa Maamukiisa ee baneeyay qaar ka mid ah Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo kadib weerarkii bartamihii Bishan ay Al-shabaab ka fulisay Degaanka Ceel Cadde.

Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in dib u gurashada ay tahay xeelad dagaal,islamarkaana ay doonayaan in ay qaadaan dagaal cusub oo Al-shabaab looga saarayo degaannada ay ka heystaan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Waxaa uu sheegay in sababta ka dambeysa soo laabashada Ciidanka Kenya iyo kuwa Jubba ay tahay dib isu abaabulid iyo in Hubka culus ee aan loo baahneyn ee Waqti badan ku jiray Dhufeysyada laga soo saaro,lana qaado howlgal cusub oo sida uu sheegay lagu xoreynayo Buundooyinka Wabiga Jubba.

Ciidamada ayuu sheegay in ay howlgalka cusub ka soo bill;aabi doonaan Badhaadhe,Kudhaa iyo meelo kale si Al-shabaab looga saaro dhulka ay qabsadeen,waxaana uu intaa ku daray in  hadalkiisa uusan ahayn kaliya afka ee ficil loo beddelayo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-