DHAGEYSO:- AMISOM oo qaadi doonto weerar aargudasho ah

0

Taliyha ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Maj. Gen. Nakibus Lakara ayaa sheegay in ciidamadooda ay dib u eegis ku sameyn doonan habka ay u howlgalaan wixii ka dambeeyay werarkii Ceel Cadde ee lagu qaaday ciidamada Kenya ee AMISOM.

Maj. Gen. Nakibus Lakara ayaa shaaca ka qaaday in la gaaray waqtigii horey loo socon lahaa si jawaab culus looga bixiyo weerarkii lagu qaaday Ciidamada Kenya.

Warkaan ayaa soo baxay kadib markii uu booqday saldhigii Ceel Cadde ee lagu weeraray ciidamada AMISOM.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in kaliya aysan nabad ilaalinta balse hadafkoodu yahay in la nabadeeyo Soomaaliya.

Kenya ayaa ku eedeysay hogaanka AMISOM in aysan ka helin wax jawaab celin ah oo ku aadan gurmadka weerarkii askartoodi loogu geestay degaanka Ceel Cadde 15-ki bishaan.

Halkaan ka dhageyso