TOP NEWS:- Holland oo maraakiib ku celin doonto qaxootiga kasoo gala dhanka Turkiga

0

Qorshe uu miiska soo saaray Xisbiga Shaqaalaha ayaa qeexaya in Dowlada Holland ay maraakiib ku dabaabuli doonto qaxootiga Europe kaso gala xeebaha Turkiga, dibna ugu celin doonto isla Turkiga.

Tallaabadan ayey Holland ku dooneysaa inay ku yareyso qulqulka tirada badan ee dadka magan galya doonka ah ee Giriiga kasoo galaya dhanka Turkiga kadibna usoo gudbaya dalkeeda.

Wadanka Netherlands, ama Holland oo iminka haya xilka madaxtinimada Midowga Yurub ayaa hadda taageero u raadinaya qorshahaan oo ay doonayaan in ay ka gadaan dalalka ugu caansan Midowga Yurub sida Jarmalka.

Hogaamiyaha xisbiga Shaqaalaha ninka la yiraahdo Diederik Samson, ayaa u sheegay warbahinta Holland in ay qorshahaan meel marin doonaan guga soo aadan. Isaga oo si toos ah u sheegay in qaxooti kasta oo kasoo gala Turkiga ay dib ugu celin doonaan Turkey.

Midowga Yurub ayaa aqbala sanad walbaa dad gaaraya 250,000 oo muhaajiriin ah kuwaas oo kasoo gala xeebaha Turkiga.

Qorshahaan ayaa dhabarjab ku noqon doona dadka u bareeraya qatarta tahriibka ee naftooda ku halliga biyaha bada Eejiyaanka ee u dhaxeysa dalalka Giriiga iyo Turkiga’ kuwaas oo Yurub u taga si ay u helaan nolol dhaanta tan ay ku jiraan.