DHAGEYSO:- Axmed Madoobe oo ka hadlay Go’aankii ka soo baxay Shirkii Muqdisho

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe oo maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka dib markuu Muqdisho kaga qeyb galay shirkii madasha wadatasha Qaran ayaa faah faahin wuxuu ka bixiyay go’aanka laga soo saaray shirkii Muqdisho iyo sida Jubba Land u aragto.

Axmed Madoobe oo warfidiyeenada kula hadlay aqalka madaxtooyada Maamulkiisa,ayaa sheegay in madaxda Soomaalida ay ku guuldareysteen iney la yimaadaan go’aan mideysan oo lagu cadeynayo nuuca doorasho ee la doonayo iney dalka ay ka dhacdo dhamaadka sanadkaan 2016-ka,wuxuuna hoosta ka xariiqay in shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay Kismaayo la isku fahmi waayay.

Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in qorshihii ay la tageen madasha shirka iyo go’aanka nuuca doorash ee la qaatay aanu is lahayn,islamarkaana Beesha caalamka iyo Dowlada Federaalka ay gaareen go’aan iyagu ay la yimaadeen.

Axmed Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in maadaama go’aankaan uu yahay mid ay gaareen Dowlada Federaalka iyo Beesha caalamka laga doonayo sidii ay u fulin lahayd.

Go’aanka nuuca doorasho ee Muqdisho lagu gaaray ayaa ah in aqalka sare lagu saleeyo hab maamul goboleed iyo in aqalka hoose lagu soo xulo hab nidaam 4.5,wuxuuna noqday go’aankaan mid buuq badan uu ka taagan yahay.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Axmed Madoobe:-