DHAGEYSO:- Xasaasi/// Wasiiro iyo Xildhibaano soo fara geliyay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelada dhexe

0

Shirka Ka Socda Magaalada Jowhar ayaa weli dhuun qabad ah oo waa ceejisan yahay markii dhexda loo galay Xubno la sheegay inay isku soo banaanbixin rabeen Xilalka ugu muhiimsan Maamulka la dhisi doono.

Warka waxa uu sheegayaa in Beelaha qaar ay ka cabanayaan Saami qeybsiga iyo Sida Odayaasha loo siiyey Beelaha inay umatalaan soo xulida Ergada wax soo dhisi doonta.

Hadda waxa soconaya Kulamo ay xitaa soo faro geliyeen Xildhibaanada iyo Wasiirada ay beelaha ku qancinayaan nidaamka ay Wasaarada Arimaha Gudaha wax uwado.

Nabadoon Maxamuud Sheekh Axmed Xaaji Gureey ayaa isagoo kusugan Magaalada Jowhar waxa uu sheegay inay ku rajo weyn yihiin Maalmaha soo socda dib loo ambaqaadi doono wejiga Labaad ee Shirka Jowhar Ka furmaya

Halkaan ka dhageyso:-