TOP NEWS: Baarlamaanka Oo Maanta Dhagaysanaya Hindise sharciyeedka leylitirka iyo deeqaha siyaasiyiinta iyo Duqeynta Kenya Ee Gobolka Gedo.

0

Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ayaa dhageysanaya akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeed ku saabsan xuquuqda leylitirka iyo deeqaha ay leeyihiin siyaasiyiinta dalka.

Maxamed Cumar Maxamuud oo ah habdhowraha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Guddiga xeer hoosaadka ee Barlamaanka ay ku mashquulsanaayeen soo diyaarinta hindise sharciyeed ku saabsan xuquuqda leylitirka iyo deeqaha ay leeyihiin siyaasiyiinta, kaasi oo uu tilmaamay in uu mari doono akhrinta koowaad.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sharcigan uu ahmiyad u leeyahay dalka maadaama ay gabogabo tahay waqtiga hay’adaha dowladda, iyadoo haddii ay dhacdo in xubnaha labada gole marka ay doorasho dhacdo qofka aan ku soo biirin ee aan dib ugu soo laaban masraxa siyaadda in il gaar ah lagu eego xuquuqda uu yeelanayo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud ayaa xusay in Guddiga gaadiidka ee baarlamaanka ay warbxin u gudbin doonaan golaha shacabka.

Isku soo wada duuboo Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa maanta lagu wadaa in loo qaybiyo qarara ka dhan ah duqeynta aargoosiga ah ee ciidamada Kenya ka wadaan gobolka Gedo.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media