DEG DEG : Somaliland oo qabsatey Deegaanka Balli Cad oo Khaatumo shir uga furmi lahaa

0

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo si xoogleh u hubeysan oo ka socda maamulka Somaliland ay qabsadeen tuulada Balli-cad oo qiyaastii dhanka koonfur galbeed 80km uga beegan xarunta Sool ee Laas-caanood.

Tuulada Balli-cad waxaa maalinta berri ah ee Jimacada ka furmi lahaa shir uu ku dhawaaqey Madaxweynaha Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galayr. Waxyana dhacdaa waddada loo maro Degmada Buuhoodle marka laga tago Saax-dheer, waxaana ay hoostagataa Buuhoodle.

Balli-cad ayaa muddooyinkmii danbe xarun u ahay Khaatumo, waxaa todobaadkan gaarey Madaxweynaha Khaatumo oo khudbad uu u jeediyey dadweynaha Balli Cad u sheegey in dulqaadkii ka dhamadey, ayna samaynayaan maamul mmideeya Khaatumo iyo Maakhir.

Wararku waxay sheegayaan in aan wax dagaal ah ka dhicin Balli Cad oo Khaatumo si nabad ah uga baxeen halkaas iyaga oo u baxay dhanka Buuhoodle iyo weliba dhanka xuduudka Itoobiya. Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galayr uu ku sugnaa halkaas marka Somaliland weerarka ku qaadey Bali-cad iyo Xamar lagu xidh ee gobolka Cayn.

Sidaan si lamid ah ayaa ciidamo taabacsan Somaliland weerar ugu qaadeen Tuulada Saax-dheer halkaas oo la doonaayey in uu ka dhaco shirkii lagu dooran lahaa maamulka Khaatumo.

Weli wax war ah kama soo bixin Somaliland iyo Khaatumo.