WARBIXIN+SAWIRRO : Taageero iyo Baaq ay direen jaaliyada Bakool Sare ee ku nool Columbus Ohio

0

Qaar kamid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee Bakool Sare ayaa manta baaq taageero ah u muujiyay maamulka cusub ee Bakool sare iyaga oo ku tilmaamay maamulkaasi mid dadka deegaanku samaysteen isla markaana aayahooda ku dhisanayaan.

Ka soo qeybgalayasha kulankan ayaa si weyn u dhaliilay habka awood qeybsiga maamulka Konfur Galbeed Somalia kaas oo ay ku dhaliileen in uu yahay mid an laga fiirsan awood qeybsigiisa beelo gaar ahana ay ku sad bursadeen.

Maamulka Bakool sare ayay ugu yeereen in uu ahaado mid ka taliya ayaaha dadka deegaanadaasi iyaga oo mar walba ka shaqeynaya jiritaanka qaranimada Soomaaliya, isla markaana u istaagaya raadinta xaquuqda dadka deegaankaasi.

Waxay kula taliyeen maamulka Bakool Sare in uu ka fogaado dhaliil kaga timaada dadka deegaanka isla markaana ay si cadaalad ah loo wada lahaado maamulkaasi.

Mudadii lagu gudo jiray kulankan Baaqa iyo Taageerada ah waxaa qadka Telfoonka uga soo qeybgalay madaxweynaha Maamulka Bakool Sare Axmed  Sh.  Maxamed Loxos (Mashruuc)

Dhanka kale waxaa ay si weyn u dhaliileen ugana oo horjeesteen in Soomaaliya wax loogu qeybiyo nidaamka 4.5 oo ah nidaam liidaya ama meesha ka saaraya jiritaanka dad Soomaali ah.

Maamulada jira ayay ugu yeereen in ay ka dheeraadaan taageerida nidaamka 4.5 iyaga oo ku tilmaamay qiyaano qaran cidii taageerta 4.5

Waxay sidoo kale wax lagu faano ku tilmaameen furitanka Garoonka diyaaradaha Bosaaso oo ah Garoon caalami ah kaas oo qeyb ka noqon doona horumarka Soomaaliya.

Baaqooda ayay ku soo afmeereen in midnimada iyo jiritaanka Soomaalida uu yahay Muqadas.

Daawo sawiradda :

IMG_0214 IMG_0215 IMG_0218 IMG_0224 IMG_0228 IMG_0272 IMG_0275 IMG_0279 IMG_0287 IMG_0447 IMG_0453 IMG_0459 IMG_0466 IMG_0481 IMG_0496 IMG_0503 IMG_0512 IMG_0515 IMG_0523 IMG_0524 IMG_0546 IMG_0554 IMG_0555 IMG_0573 IMG_0588 IMG_0594 IMG_0613 IMG_0614 IMG_0631 IMG_0648 IMG_0652 IMG_8898