War Deg Deg Ah: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Xildhibaan Xuseen Warsame Samatar (Ganfar) Oo Iminka Ku Geeriyooday Dalka Turkiga.

0

Wararka naga soo gaaraya iminka magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaas ku geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Xuseen Warsame Samatar (Ganfar) oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Allaha u Naxariistee Marxuum Xildhibaan Xuseen Warsame Samatar (Ganfar) waxa uu ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Allaha u Naxariistee Marxuum Xildhibaan Xuseen Warsame Samatar (Ganfar) ayaa waxaa lagu xasuusan doonaa inuu ahaa shaqsi wadani ah, xishood badan islamarkaana aad u afgaaban, si daacad ahna ugu adeega dhamaan ummada Soomaaliyeed isagoon kala sooceyn.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media