SAWIRRO : Wasiirka Gaashaandhigga oo Muqdisho ku qaabilay Wafdi ka socda W.Gaashaandhigga Ingiriiska

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey Saraakiil sare oo ka socota Wasaaradda Difaaca Boqortooyada Ingiriiska oo hoggaaminayo Gen John Lorimer. Wasiirka  ayaa uga mahadceliyay Saraakiisha Britain taageerada  xoogan ee dawladdoodu  ay la garab taagan tahay dalka Soomaaliya, gaar ahaan taageerada dhanka Ciidamadda.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in Saraakiisha ay isla soo qaadeen khatarta argagixisada ee gobolka iyo sidii wadajir looga hortagi lahaa, isagoo xusay in  mar walba muhiim tahay in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay hormuud  u noqdaan howlgal walba oo lagu baacsanayo cadowga.
“Wafdiga ka socda dawladda Ingiriiska oo Hoggaaminayo Jen. Lorimer waxaan isla soo qaadnay taageerada Dawladda Ingiriiska ee Ciidanka Qaranka. Waxayna balan qaadeen in ay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Ciidanka si loo dardar geliyo  dagaalka lagula jiro Cadowga”.
“Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka ay khatarta ku hayaan kooxahan ay jihadu ka luntey, Si aan u xoojino dagaalka lagu ciribtirayo mar walba waxaan u baahan nahay sidii iskaashi caalami ah loogu wajihi lahaa” ayuu yiri Wasiir Diini.
Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Wasiirka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo ay goob-joog ahayd Safiirka Ingiriiska u fadhida Soomaaliya iyo Diplumasiyiin kale oo ka tirsan Safaaradda.
SAWIRRO :
20160109_090818_resized_1 20160109_090858_resized_120160109_095251_resized_1