DHAGEYSO:- QM oo ka hadashay dadka cudurka Daacuunka ugu geeriyootay xeryaha dhadhaab ee dalka kenya

0

Qaramada Midoobay ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadleyso waxyeelada ka dhalatay cudurka daacuun caloolaha oo ka dilaacay xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya oo ah xerada ugu weyn oo ay ku jiraan qaxooti badan oo Soomaali ah.

Masuuliyiin ka tirsan hayada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ku dhawaad 1,000 qaxooti Soomaali ah ay xanuunka dareemayaan, xanuunkaasi oo xeryahaha lagu arkay tan iyo bishii November ee sanadkii 2015.

Xerada ayaa waxaa ku sugan ku dhawaad 350,000 oo qaxooti ah kuwaasi oo badankood ka tagay dalka Soomaaliya, sida uu sheegay Cismaan Yuusuf Axmed oo kamid ah hayada Qaramada Midoobay ee Qaxootiga.

“Muhiimada ugu wanaagsan waa nadaafada deegaanka, waxaa ilaa iyo hadda ku dhintay xerada ku dhawaad 10 ruux tan iyo bilowga sanadkaan cusub ee 2016”ayuu yiri Cismaan Yuusuf.

Cudurkaan ayaa ah virus la laga qaado biyaha wasaqeysan kaasi oo sababa Shuban, waxaana la sheegay inuu ka dhashay roobab xoogan oo ka da’ay xeryaha qaxootiga ee dalka kenya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-