Midnimadu waa Haybad iyo Guul. W/Q:Cabdinuur Faarax Maxamuud

0

Markan arkay siyaasiin Hoggaamiyayaal kala aragti duwan kala siyaasadda kala xisbiya oo haddana danta guud ee` ummaddeenna darteed isku meel isku yimid oo isla markasana ku wada faraxsan hormarka iyo horu socodka Soomaaliya markan arkay kaftanka iyo Xifaala dhexmarya hoggaamiyayaasha Soomaalida waxaa niyadayda ku soo dhacday Soomaali waa midowday wuuna baxay Shakigii Qaran keenna Dumiyey), waxaana Qof walba oo innaga mida uu cabbiri karaa midnimadu inay tahay TIIR,, isku hayn kara ummad, Qaran iyo Qowmiyad intaba…

Midnimadu waa haybad aan lahormari karin, waa Quwad ama xoog aan la loodin karin, waa Muunad) iyo maamus ummaddeed oo `aan marna lakala qaybin karin, waa jiritan aan laga jeedin Karin jihada uu rabo, waa sharaf aan shaki lagalin karin Soomaalay midnimo waa Sharaf.

Midnimadu waxay tahay macanaheedu “xoog, xoolo iyo Xikmad” waxaan haysano inay mid yihiin si aan umaarayno Dhammaan waxii dhib ah oo innasoo wajaha gudaha iyo Dibadaba.

Midnimadu waa hormarinta bulsho bararta oo barwaaqowda midnimadu waa in la kaalmeeyo kan tabarta yar midnimadu waa inaan kan jirran daawayno, kan jaahilkana waxbaro” si Bulshadennu isula janqaado si bulshadeennu ula jaanqaado adduunyadda ee casrigaa.

Diintenna suuba ee Islamku waxay na faraysaa inaan mid noqono inan noqono Jameeco) Salaadda isku meel ku tukano haddba inta isla jogta Diinteennu waxay ina faraysaa inaan Hoggaamiye yeelano haddiiba aan seddex gaaro, Diinteenna suuban iyo dhaqankeenna wanaagsani wuxuu ina farayaa inaan isku tiirsannaano is kaalmaysano iskuna gargaaro.

Diinteenna islamku waxay xarrantimaysay inaan lagu xadgudbin qofka Muslimka Xoolihiisa iyo sharaftiisa” markii qof waliba ilaaliyo waxa wajibadka ku ah markii qof walba ilaaliyo naftiisa uuna adeeco Allaha) weyn ee abuurtay waxaa meesha ka baxaysa dhammaan xumaan waxaana badanaya wanaaga iyo is kaalmaysiga walaaltinimo.

Bulsho Magaceed ama maamuskeed waa inay ahaata Ul iyo Diirkeed tasoo micneheedu yahay inaan isku duubnaano inaan isku dul qaadano inaan isku dhinac u duulo inaan yeelano caqli midaysan iyo aqoon dhisan ..

Ogow waxaan midimada ku wayno kala qayb sanaan ku heli mayno cududa aan midnimada ku wayno ogow tafaraaruq ku heli mayno haddii aan midayno aqoonteenna Aqligeenna iyo xoogenna waxaan kamid noqon karaa ummaddaha guuleystay Ummaddaha hormaray

Xigmad Soomaaliyeed
Fanaan Cabdinaasir Macalin
Hees uu qaadi jiray ayaa waxaa kamdi ahayd —
Siday diintu innagu tidhi
Dayaxana hadhaaftee
Qayrkaa darajaduu helay Rabbi kaama daahinee
dadaal gaari doontidee

Waxaa Qoray Cabdinuur Faarax Maxamuud
Falanqeeye arrimaha bulshada
Eamail- guuleed72@hotmail.com abdinuur02@gmail.com