Madaxda Soomaalida oo Maanta tagaya Magaalada Kismaayo

0

Iyadoo lagu wado Bari in Shirka Madasha Qaran Ee lagu Go’aaminayo Doorasho ka dhacda Soomaaliya Sanadkaan uu ka Furmo Magaalada Kismaayo ee Xarun Goboleedka Jubbada Hoose ayaa maanta waxaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya,Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay tagaan Magaaladaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay in Maanta oo Axad ah ay Madaxda Dowladda Federaalka ugu sareeysa ay tagayaan Kismaayo,kuwaas oo halkaa ku yeelan doona Kulamo Hordhac ah oo looga hadlayo Xaaladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa isla maanta tagaya Magaalada Kismaayo qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada si ay ugu biiraan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka Madasha Qaran Ee Kismaayo ka Furmaya Mari oo Isniin ah ayaa waxaa uu dib u dhacay maanta oo Sabti ah islamarkaana la daday inuu Kismaayo ka furmo.