DHAGEYSO:- Hogaamiyaha Jarmalka oo soo jeedisay in la bedelo Sharciyada qaar

0

Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa soo jeedisay in isbeddel adag lagu sameeyo sharciyada dadka soo galootiga ah ee Jarmalka ku nool.

Waxey soo jeedisay in la helo sharciyo fududeynaya in la masaafuriyo dadkaas haddii ay dambiyada ka geystaan gudaha Jarmalka.

Arrintan ayey kaga jawaabeysay, fara xumeyn loo geystay dumar xafladeynayay habeenkii sanadka cusub magaalada Cologne.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-