DEG DEG:- Qarax ka dhacay Muqdisho iyo khasaaro ka dhashay

0

Dhawaqa Qaraxa xoogan ayaa daqiiqado ka hor laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaasi oo dhacay waaberigii saaka degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay agagaarka maqaayada Shaxshaxlow ee degmada Shibis ee gobolka Banaadir, waxaana la sheegay inuu ahaa mid ku xirnaa gaari.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa  uu ka dhacay degmada markii gaari uu lahaa shaqsi la sheegay inuu ka tirsanaa garoonka diyaaradaha loogu xiray gaarigiisa waxyaabaha qarxa.

Inta la xaqijiyay labo ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxa ka dhacay degmada Shibis ee gobolka Banaadir oo mid kamid ah uu ahaa ruuxii gaariga iska lahaa.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowlada Soomaaliya gaar ahaan degmada Shibis

Wixii faah faahin ah ee soo kordha la soco…