BOOSASO : Madaxweyne Gaas Oo Ku wajahan Magaaladda Kismaayo.

0

Wararka Laga Helayo Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Boosaso ayaa sheegaya in Goordhow uu halkaasi ka Amba-bixi doono Madaxweynaha Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali gaas, isagoona ku wajahan Magaaladda Kismaayo,

Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah Masuuliyiin Kale oo ka socda Madaxda Maamul goboleedyada dalka Kuwaas oo Ka qeybgalaya Shir looga hadlayo Arimaha Hiigsiga cusub ee somaliya, Oo ka furmaya Magaaladda kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland,

Madaxweyne gaas ayaa waxaa safarkiisan ku wehlin Doona Xumno Ka Tirsan Labada Gole ee dowladda, iyo Dad ka socda Bulshada Rayidka ah Kuwas oo wada hadalada Qeyb ka ah.

Dhinaca Kale waxaa La filayaa iney magaaladda Kismaayo Tagaan Madaxda dowladda fedraalka ah ee somaliya, Jubbaland, Koonfur Galbeed, iyo Galmudug Oo Iyada Hadda ka Caga Jiidaysa Ka qeybgalka Shirka Dhawaan ka furmi doona Magaaladda Kismaayo.