Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Marxuum Xildhibaan Xuseen Warsame Samatar (Ganfar).

0

Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaa xalay oo ay taariikhdu ahayd 10-01-2016 ku geeriyooday magaalada Istanbul ee dalkan Turkiga Allaha u Naxariistee Marxuum Xildhibaan Xuseen Warsame Samatar (Ganfar).

Allaha u Naxariitee Marxuum Xildhibaan Xuseen Warsame Samatar (Ganfar) waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka udub dhexaadka u ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa kale oo uu ahaa shaqsi Ahlu Diin ah, Naxariis badan, Sadaqo Badan, Hadalkiisana aan qofna dhibsan, waxa uuna mar walba kaalin muuuqata oo muhiim ah ka qaadan jiray sidii dalka Soomaaliya oo dhan loogu baahin lahaa nidaamka Dowladnimada oo ku saleysan cadaalad iyo sinaan.

Dhamaan Bahweynta Allgalgaduud Media, Maamulka iyo Shaqaalaha, Anaga oo ka tiiraanyonayna geeridan naxdinta leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum Xildhibaan Xuseen Warsame Samatar (Ganfar), waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiraanyo leh u direynaa dhamaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaana Reer Warsame Samatar Ganfar, eheladi,qaraabadi iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Xuseen Warsame Samatar (Ganfar), waxaana Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu dhamaanteen samir iyo iimaan naga wada siiyo Allaha u Naxariistee Marxuum Xildhibaan Xuseen Warsame Samatar (Ganfar), waxaa sidoo kale aan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Marxuum Xildhibaan Xuseen Warsame Samatar (Ganfar) janadi fardowza ahayd ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin

Waxaa Sidoo Kale Dhambaal Tacsiyeed Oo Tiiraanyo Leh Diraya.

Dhamaan Jaaliyadaha Galguduud Iyo Jubbooyinka ee dalka Dibeddiisa.
tacsiii

XUSEEN11