XOG: Xasan Sheekh Oo Go’adoon Siyaasadeed Ku Jira, Galmudug Oo Ku Biirtay Isbaheysiga Siyaasadeed Ee Jubbaland Iyo Puntland. Koonfur Galbeed Oo La Sugayo. (Wax Badan Ogoow).

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena kala duwan ee ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho, Garoowe Kismaayo Iyo Cadaado ayaa waxa ay sheegayaan in isbaheysigii Jubbaland iyo Puntland oo maamulka Galmudug iminka kusoo biiray.

Warkan aan ka heleyno ilo wareedyadeena sida aadka ah ugu dhuun daloola maamulada Jubbaland, Puntland, Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in uu biloowday Isbaheysi salbaar ee looga soo horjeedo fikirka siysaadeed Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saleysan awood qaybsiga 4.5, sida ay inoo xaqiijinayaan Ilo wareedyadeena waxaa iminka ku soo biiray Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdakiriin Xuseen Guuleed.

Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdakiriin Xuseen Guuleed uu booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo uu ku soo saxiixay heshiis qodobadiisa ugu muhiimsanaa ka mid ahayd sidii Xasan Sheekh Maxamuud talada dalka looga qaadi lahaa islamarkaana looga hortagi lahaa siduusan mar labaad ku noqon lahayn Madaxweynaha la doorto 2016.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikiriin Xuseen Guuleed ayaa dhankiisana waxaa heshiiskaas loogu balan qaaday in laga soo afjarayo khilaafka kala dhexeeya Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca, taas oo keentay in durba Cabdikiriin Xuseen Guuleed uu saxiixa ku jiido heshiiskaas.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa hadda waxa si shuruud la’aan ah uu ugu biiray Isbaheysigii siyaasadeed ee Jubbaland iyo Puntland ee looga soo horjeeday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo wareedyadeena ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan diyaar u yahay Lana Sugayo in uu isagana kusoo biiro Isbaheysiga siyaasadeed ee cusub ee Jubbaland, Puntland iyo Galmudug ee lagula dagaalamayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale Galmudug iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ahayd halka meel ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh isku haleenayay haddana waxaad moodaa in Cabdikariin Xuseen Guuleed uu dabinka uga booday qaybna ka noqday Isbaheysiga manjo xaabinaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Isku soo wada duuboo sida iminka muuqata Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku jiraa go’adoon siysaadeed, waxaana ku soo haray garabkiisa Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kaliya, halka R/wasaare Cumar Cabdirashiid Cali-na uu ka tirsan yahay Isbaheysiga Siyaasadeed ee Jubbaland, Puntland iyo Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo imin la sugayo in ay ku biirto.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media