TOP NEWS:- Dowladda Oo Ku Guuleysatay Iney Heshiisiiso Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan.

0

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta dhex dhexaadiyay Madaxweynayaasha Maamulada Koofur Galbeed iyo Jubbadland kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay u dhaxeeyay kala aragti duwanaan.

Kulankan oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa ka dambeeyay markii labada maamul uu soo kala dhex galay khilaaf ku aadan maamulkii looga dhawaaqay Magaalada Ceelbarde ee loogu magac daray Bakool Sare, iyadoo Koofur Galbeed ku eedeysay Jubbaland inay taageereyso mamulkaas.

Kulankan uu dhex dhexaadiyay ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisa ahaa sidii lagu dhameyn lahaa khilaafka labada dhinac, isla markaana iyadoo hal aragti la wada qabo looga qeyb geli lahaa shirka Kismaayo ee looga hadlayo hanaanka doorashooyinka sanadka 2016.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Labada Maamul, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Masuuliyiin kale.

Kulanka ayaa waxaa lagu dhameeyay wixii kala aragti duwanaan ahaa ee labada Madaxweyne u dhaxeeyay, waxaana si wada jir ah u sheegeen inay ka qeyb galayaan shirka ka dhacaya Kismaayo 11-ka bishan.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu diiday inuu ka qeyb galo shirka Kismaayo, kadib markii Maamulka Jubbaland ku eedeeyay inuu taageeray Maamulka Bakool Sare.

 

madobe-sakiin

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media