TOOS U DHAGEYSO:Khaliif CabdiKariim Maxamuud “Khilaafka Xuduudaha Puntland Iyo Galmudug Looma Wajihi Jihi Karo Si Dowli Ah”.

0

Gudiga xaduudaha DF Soomaaliya ayaa sheegay iney ku adag tahay in xal laga gaaro muranka arimaha xaduudaha ee udhaxeeya qaar kamid ah maamulada.

Khaliif Cabdi Kariim Maxamuud oo ah gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee xaduudaha dalka ayaa sheegay in arinta Galmudug iyo Puntland aan loo wajihi karin si dowli ah

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in marka hore loo baahan yahay in la sameeyo dadaalo dib uheshiisiineed si xal looga gaaro arintan.

“Meeshaas dhul ayaa la isku haystaa oo dagaal ayaa ka dhacay, arintaasna waxaa ay ubaahan tahay xal dib uheshiisiin ah iyo xal siyaasi ah, taasna waa mid Soomaali oo dhan utaal”ayuu yiri gudoomiyaha gudiga xaduudaha.

 

 

Hoos Ka Dhageyso

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media