DHAGEYSO+SAWIRRO : Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Xariga Ka jaray Bangi Caalami Ah.

0

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 09-Jan-16 xarigga ka jaraya Bangi Caalami  ah oo lagu magcaabo CAC International Bank, bangigaas oo ah mid laga heleyo dhammaan adeegyada ay bixiyaan bangiyada  Caalamku.

Munaasibadda xarig kajaridda Bangiga ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdixakiima Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Ganacsato, Maamulka Bangiga iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Dawladda Punland ayaa ku tilmaamay  bangigan mid wax-badan ka bedeli kara horumarka guud ee Puntland kana qayb qaadan kara  horumarka ganacsi iyo kan kaabayaasha dhaqaalaha Puntland isla markaasna laga filayo fikrado cusub iyo ganacsiyo cusub oo  waddanka looga hirgelin karo maadaama uu yahay Bangigii ugu horeeyey ee Caalami ah oo Puntland laga hirgeliyo.

Madaxweynaha ayaa u rayey Bangiga CAC iyo Bangiyada kale ee Puntland ka hawl gala inay xiriir wanaagsan yeeshaan iskana kaashadaan kaqayb qaadashada  horumarka baaxadda leh ee kasocda  Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xadhigga kajaray Xero cusub oo magaalada Boosaaso looga dhisay qaxooti isugu jira soomaali iyo Yamaniyiin, kuwaas oo kasoo qaxay dagaaladii dhowaan ka dhacay waddanka aynu deriska nahay ee Yaman.

Munaasiba xarigga looga jarayey ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdixakiima Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Danjiraha Dalka Yamane e Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Maaulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, Masuuliyiin kale  iyo qaxootigii la dejiyey xeradaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta uu yimaado xeradan si’uu u ogaado xaaladda dhabta ah ee ay kusugan yihiin dadka ku dhaqan xerada maadaama ay magan u yihiin Dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale umadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto ugu baaqay  in ay il gaar ah ku hayaan dadka nugulka ah oo soo dhibaatooday nabadgelyadooda iyo noloshoodaba, sidoo kalena hay’adaha mucaawinooyinka loogu soo dhiibo dadkan tabaalaysan ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay  in ay soo gaarsiiyaan maadaama ay maanta ugu baahi badan yihiin xaqna u leeyihiin wixii loogu talo galay in lasoo gaarsiiyo.

DHAGEYSO CODKIISA :

SAWIRRO :

IMG_7870 IMG_7873 IMG_7888 IMG_7889 IMG_7892 IMG_7896 IMG_7900 IMG_7907 IMG_7915 IMG_7919 IMG_7927 IMG_7950 IMG_7952 IMG_7957 IMG_7962 IMG_7966 IMG_7969 IMG_7972 IMG_7974 IMG_7977 IMG_7981 IMG_7988 IMG_7990 IMG_7994 IMG_7996 IMG_7998 IMG_8000 IMG_8003 IMG_8009 IMG_8010