DHAGEYSO WAREYSI:- Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo mar kale u tartamaya Xilka Madaxtinimo ee Dalkaasi

0

Isbahaysiga haya talada dalka Jabuuti ee UMP ayaa u doortay madaxweynaha waddankaasi Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle inuu noqodo musharraxa ugu tartamaya doorashada madaxweynennimo.

Dhawaan ayaa madaxweynaha laftiisu sheegay inuu danaynayo inuu jagadaasi mar kale isku soo taago, isagoo talada waddankaasina hayey tan iyo sannadkii 1999-kii.

Sidoo kale ma cadda haddii mucaaradku ay doorashadaasi ka qeyb galayaan iyo in kale. Wakiilka xisbiyada Mucaaradka ah ee waqooyiga Ameerika Aadan Xaashi, ayaa VOA isna la hadlay isagoo ku sugan Minnesota.

Hoos ka Dhageyso Codka:-