DHAGEYSO:- Shariif Xasan oo ka warbixiyay kulanka uu la qaatay Axmed Madoobe, Sheegayna inuu ka qeyb galayo Shirka Kismaayo ka dhacaya

0

Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Warbaahinta la hadlay ka dib kulankii dhex dhexaadinta ahaa ee isaga iyo Axmed Madoobe lagu heshiisiinaayay ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wax welibo oo Shacabka Soomaaliyeed Xal u ah.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay in uu ka qeyb galayo shirka ka dhacayo Magaalada Kismaayo isla markaana uu diyaar u yahay inuu ka qeyb galo shirkaasi.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in Shacabka Soomaaliyeed loo tanaasulo, lagana shaqeeyo hormarkooda.

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Shariif Xasan:-