DHAGEYSO:- Ra’isal Wasaaraha oo ka hadlay Heshiiska ay wada gaareen Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan

0

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ka hadlaayay Kulankii uu dhex dhexaadinta ka ahaa ee Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay ku guuleysatay heshiisiinta labadaasi masuul.

Ra’isal Wasaaraha ayaa u mahad celiyay Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland iyo Koofur galbeed sida ay u aqbaleen codsiga Xukuumada isla markaana ay u tanaasuleen danaha qaranka.

Waxa uu tilmaamay in iminka ay muhiim tahay in Shacabka Soomaaliyeed la fahansiiyo dowladnimada balse aysan wanaagsaneyn in lagu kor dagaalamo.

Hoos ka Dhageyso Codka Ra’isal Wasaaraha:-