TOOS U DHAGEYSO:- C/qaadir Luga dheere “ Shirka Kismaayo Beri Ayuu Furmaya, Waana Been Ma Baaqanin”..

0

Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay in Maalinta berito ah uu dhacayo Shirkii lagu balamay ee looga hadlayo doorashada Soomaaliya ee Dhamaadka Sanadkan dhaceysa.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Maamulka Jubbaland Cabdiqaadir Max’ed Luga dheere ayaa sheegay ayaa in Amniga Kismaayo iyo kan Shirkuba ay sugayaan Ciidanka Jubbaland,waxaana uu beeniyay in Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhawaan la geeyay Kismaayo ay la wareegeen Amniga Magaalada.

Waxaa uu sheegay Luga dheere in Shirka uu berri furmayo,amniga magaaladana ay sugeen Ciidanka Jubba islamarkaana isku kalsoon yihiin.

Ergada ka qeyb geleysa Shirka ayuu sheegay in amnigooda la xaqiijiyay, meelaha ay seexan lahaayeen iyo halka uu shirka ka dhacayana ay ilaalinayaa Ciidamada Maamulka Jubba.

Suldaan Luga dheere waxaa uu sidoo kale beeniyay in uu dib u dhacayo Shirka,waxaanu intaa ku daray in waqtigii loo qabtay uu dhacayo,soona dhamaanayo xilligii loogu talagalay.

Isku soo wada duuboo hadalka Cabdiqaadir Luga Dheere ayaa waxa uu ku soo aadayaa kadib markii saaka ay dowladda Soomaaliya ku guuleysatay inay heshiisiiso Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo kullanka lagu heshiisiinayay uu ka dhacay magaalada Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media