DHAGEYSO:- Axmed Madoobe oo guul ku tilmaamay Kulanka uu Shariif Xasan la qaatay

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ” Axmed Madoobe” ayaa ka hadlay sida uu u arko kulankii Maanta uu la qaatay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Axmed Madoobe ayaa guul ku tilmaamay kulanka, waxa uuna xusay in ay muhiim tahay in laga wada qeyb qaato hormarka iyo midnimada Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu ku faraxsan yahay in Shirka ka dhacayo Kismaayo ay ka qeyb galaan dhamaan Madaxda Soomaalida oo u sheegay in iminka ay isku calool furan yihiin.

Waxa uu ka warbixiyay sida ay ugu diyaar garoobeen Shirka iyo ahmiyada uu shirkaan u leeyahay Soomaaliya.

 

 

Hoos ka Dhageyso Codka Axmed Madoobe:-